Maxaa Kasoo Baxay Kulankii xalay dhaxmaray Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo?

9

Dec 06(Jowhar)-Waxaa soo gaba-gaboobay kulan gaar ah oo dhexmaray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo ka dhacay guriga Sheekh Shariif.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale labbada masuul waxay ka wada hadleen doorashooyinka dalka, gaar ahaan dardargelinta geedi-socodka doorashada iyo xal u helidda khilaafaadka ka taagan qabsoomidda doorashooyinka.

Ilo lagu kalsoon yahay oo u dhow labbada dhinac ayaa in Madaxweyne Farmaajo uu Shariif Sheikh Axmed ka codsaday inuu ka qeyb qaato xallinta khilaafka iyo shuxshuxda kala dhaxeyso qaar ka mid ah mucaaradka, si loo mideeyo aragtida mucaaradka laganna gaaro is-afgarad siyaasadeed.

Sidoo kale kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-faham iyo dadaallo lagu xoojinayo xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan kuwa la xiriira doorashooyinka iyo isku duubnaanta mucaaradka.