Maxaa laga filan karaa kulanka golaha shacabka ee wasiirada kalsoonida loogu raadinayo?

August 07 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta golaha shacabka horgeynaya golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay todobaadkii hore.

Fariin xalay gudoonka baarlamaanka ay u direen xildhibaanada ayaa lagu sheegay inuu maanta jiro kulan weyn, kaasoo uu ra’iisul wasaraaha dalka mudanayaasha aqalka hoose kaga codsanayo iney xukuumadiisa cusub codka kalsoonida ah siiyaan, si ay u guda gasho hirgelinta barnaamijkeeda siyaasadeed oo ay ku shaqeyn doonto.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa guux weyn oo ka soo yeerayay qaar kamid ah beelaha Soomaalida oo saluug ka muujiyay qeybta uga soo aaday wasiiradda cusub, waxaa sidoo kale arrinta dhaliil ka muijiyay maamulada qaar oo sheegay inaan wax latashi ah lagala sameyn magacaabista golaha wasiiradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa ineysan lacago uga bixin kalsooni u raadinta wasiiradda cusub, waxeyna la timid qorshe cusub, iyadoo wasiirka, wasiir kuxigeenka iyo wasiiru dowlaha lagu amray inuu xildhibaanada beeshiisa ku qanciyo in codka malsoonida uu keeno, si xukuumadda loo meel mariyo.

Si kastaba, Golaha wasiirada oo ka kooban 76 ayaa 43 ka mid ah ama 56% ay yihiin xildhibaano, waxaana wasiir kasta loo diray inuu keeno ugu yaraan saddex xildhibaan oo ku beel ah oo codka siiya, waxayna u badan tahay in maanta la ansixin doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More