Maxaa laga filayaa inuu ka soo boxo Kulan-wadareedka Golaha Wasiirada Soomaaliya?

August 24 (Jowhar.com-Waxaa maanta la filayaa in la soo gaba gabeeyo Kulan-wadareedka Golaha Wasiira xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo lagu lafa-gurayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda iyo habka loo xoojin karo wada-shaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Shirkan oo uu shalay furay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa in gelinka danbe ee maanta laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobada lagu heshiiyay, iyadoo shalay ui furitaankiisa ka qeyb galay gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galleysa qaarkood ayaa Maanta hadal ka jeedin doona shirka, iyaga oo soo bandhigi doona qorshahooda Shaqo ee sanadaha soo socda iyo waxka qabashada Arrimaha Abaaraha iyo Amniga

Waxaa jira ilaa 6 qodob oo diirada lagu saaray shirkan labada cisho socda, kuwaasoo kala ah; 1- Wada shaqeynta hay’adaha dowladda, 2- Falanqeynta howllaha hortabinta u leh xukuumadda, 3- Adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha wasiirada. 4- Dhawrista iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, 5- Hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo 6- La-wadaagidda dadweynaha xog mideysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More