Maxaa looga hadlay shirkii maanta u furmay Golaha Wadatashiga Qaranka ?

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa la isku afgartay ajandaha iyo mudada uu shirku socon doono.

Afhayeenka Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa sheegay in shirka looga hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

“Ajandayaasha iyo maalmaha uu soconayo shirku ayay si wayn isku afgarteen madaxda ka qeybgashay shirka maanta.”ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka dalbaday madaxda maamuladda dalka in ay soo dhamaystiraan doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Inta badan maamul goboleedyada ayaa iyagu horey u guda galay howsha doorashada gaar ahaan doorashada aqalka sare. Maamulka Hirshabeele oo kali ah ayaan wali bilaabin doorashada xubnaha aqalka sare.

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa iyagu soo dhameystiray xubnihii aqalka sare uga mid noqon lahaa, halka Jubbaland iyo Galmudug ay wali dhowr kuraas dhiman tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More