Maxaabiista ku xiran xabsiyada Liberia oo soo wajahday cunto la’aan

Maxaabiis tiradoodu kumanaan gaareysa oo ku xiran xabsiyo ku yaal dalka Liberia ayaa waxaa soo wajahday cunto la’aan.

Markii ay cuntadii ka dhammaatay maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee Liberia horaantii bishan ayaa waxa ay banaanka soo dhigtay xaalada xun ee mudada dheer ka jirtay xabsiyada dalkaasi.

Qalab la’aanta ayaa saameysay dhammaan 15-ka xabsi ee dalka, taasoo ku qasabtay labo inay joojiyaan maxaabiista cusub.

Waxay ahayd ugu yaraan laba maalmood ka dib markii samafale maxalli ah iyo hay’ad samafal ah ay u soo gurmadeen si ay wax uga qabtaan waxyaabaha dhiman, laakiin dhibatooyinkii ballaarnaa – ciriiri iyo dhaqaale la’aan ayaa weli ah kuwo sii jira.

Xabsiga dhexe ee Monrovia, kaas oo ku yaal badweynta Atlaantik, ilaa 1,400 oo qof ayaa lagu hayaa iyadoo markii hore loogu talogalay wax ka yar 400.

Banaanka xabsiga ayaa loo sameeyay hagaajin iyo darbiyada cawlan ee iftiimaya ay marin habaabiyaan dadka wadada maraya iyagoo u maleeya in arrimuhu ay si lamid ahu u dhalaalayaan gudaha xabsiga.

Cunto yarida ayaa waxaa lagu ogaaday kadib markii koox maxaabiis ah, kuwaas oo muddo kooban la kulmay saxafiyiinta ay u sheegeen xaqiiqda jirta intii lagu jiray xaflad lagu furayay aqal cusub
“Dowladdu waxay na quudisaa hal saxan [bariis] maalin kasta; hal mar maalintii,” ayuu yiri mid kamid ah maxaabiista oo muddo saddex sano ah ku jira xabsiga.
Ninka mas’uulka ka ah xabsiga dhexe ee Monrovia, Varney G Lake, ayaa qirtay in ciriiriga ka jira xabsiyada au la mid tahay “xadgudub xuquuqul insaanka”.

Waxa kale oo uu ka dayriyey kaabayaasha liita iyo la’aanta tas-hiilaadka si wanaagsan loo dayactiray mar uu waraysi siiyey wargeys maxali ah, Frontpage Africa.

Markii ay cunta yari dhacday, Upjit Singh Sachdeva, oo ah ganacsade caan ah oo ku nool Monrovia, horayna u siin jiray xoogaa cunto ah , ayaa xabsiga magaalada ula cararay raashin degdeg ah si uu welwelka u dejiyo.
Arrintan ayaa sababtay in ay ku dayato kooxda u doodda Prison Fellowship Liberia oo keentay bariis iyo saliid.
Laakiin mustaqbalka fog, mas’uuliyiintu ma sii wadi karaan inay ku tiirsanaadaan samafalka si ay u sii wadaan adeegga xabsiga.

Agaasimaha guud ee xabsiyada dalka, Rev S Sainleseh Kwaidah, ayaa xaqiijiyay in la’aanta cunno sax ah ee maxaabiista ay tahay mid ka mid ah caqabadaha badan ee uu wajahayo.

Waxa uu ku sababeeyay hoos u dhaca ku yimid dib u dhaca ku yimid dowladda oo soo deyn jirtay dhaqaalihii ay aheyd in bishii la bixiyo.

Tusaale ahaan, lacagta loogu talagalay cuntada ee Sebtembar waxa la helay kaliya December , ayuu u sheegay BBC.

Mid ka mid ah dhibaatooyinka, Rev Kwaidah ayaa sheegay, in shayga kaliya ee miisaaniyada qaranka ee wax ka qabashada xabsiyada lagu calaamadeeyay maciishad xabsiga.

“[Miisaaniyadda] xabsigu waa in ay ku jirtaa quudinta, hoyga, daawaynta, hawlgalka, dayactirka, dib u habeynta xirashada iyo jeexjeexa.

“Dhammaan xabsiyada aan hadda ku leenahay dalkan waa duugoobay, kuwan waxaa ka mid ah xabsiga dhexe ee Monrovia; waxay u baahan yihiin in la dayactiro,” ayuu raaciyay,

Waxa kale oo uu tilmaamay in aanay jirin goob caafimaad iyo labis ku habboon maxaabiista.
Dufcaddii ugu dambeysay ee dareeska maxaabiista ee ay keento QM waxay ahayd in ka badan 10 sano ka hor. Mana jirto gaadiid iyo shidaal lagu galbiyo maxaabiista.

“Sida aan kula hadlayo, waxa aanu maxaabiista ku galbinaynaa in badan oo ka mid ah xabsiyadayada mooto bajaaj ayuu yiri. Kuwani ma laha albaabo, sidaas darteed kuma habboona in la qaado dembiilayaasha.

Baabuurtii ay UN-ku ka tagtay markii uu dhammaaday hawshii nabad-ilaalinta in ka badan lix sano ka hor waa gubteen oo burbureen.

Wasiirka cadaalada, Frank Musa Dean, oo masuul ka ah nidaamka ciqaabta, ayaa BBC u sheegay in dowladdu ay ka warqabto baaxadda dhibaatooyinka, sababtoo ah waxaa lagu muujiyay xisaab hubin rasmi ah.
Xigasho;BBC

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More