Maxamed Bin Salmaan oo booqanayo dalka Turkiga kaddib dilkii Jamal Kashoggi.

June 19 (Jowhar.com)-Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa todobaadkan booqashadii u horreysay ku tagaya dalka Turkiga,halkaasoo uu heshiisyo kula saxiixanayo madaxweynaha wadankaas iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa shaaciyay in Maxamed Bin Salman uu Arbacada imaan doono Turkiga, ayna soo dhoweyn doonaan, waxaa uu sheegay in xiriirka labada dal la gaarsiin doono heer aad u sarreeya. Labada dal ayaa kala saxiixan doona heshiisyo dhowr ah inta lagu guda jiro safarka Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Tani ayaa ka dhigan iney noqoneyso socdaalkiisii u horeeyay uu ku tago dalkaas kaddib dilkii Jamal Kashoggi oo sanadkii 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, taasoo xiisad ka dhex dhalisay labada dal. Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa Turkiga kadib dalalka Jordan iyo Masar.

Si kastana, Bishii April ee sanadan ayay aheyd markii Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan uu Sacuudiga booqday, sanado kaddib oo xiriirka labada dal uu xumaaday, booqashadaas ayaa la sheegay iney dib u furtay cilaaqaadkii labada dowladood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More