Maxamed Deeq Madar oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

July. 29 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay kooxo hubeysan oo South Afrikaan ah ay magaalada Port Elizabeth ee gobolka Westren Cape ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar ayaa lagu weeraray goobtiisa ganacsi, waxeyna kooxda weerartay ay toogashada kadib hore uga qaadatay dukaan alaabo ganacsi ahaa oo yaalay.

Danbiilayaasha ayaa si nabad ah goobta uga tagay, iyadoo daqiiqado kadib ay halkaasi gaareen ciidamo boolis ah oo sameeyay howlgal aan guuleysan.

Waxaa mudooyinkan dib usoo laba kacleeyay weerarada ka dhan ah Soomaalida, mana jirto wax talaabo ah oo ay arrintaasi ka sameyso dowladda Soomaaliya oo safiir wadankaasi uu u joogo.

Si kastaba, Wadanka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqa doontay, mana jirto cid wax ka qabata dilalka, dhaawaca iyo dhaca ay la kulmaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan, iyadoo dowladda dalkaas ay marwalba sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatooyinka loo geysto ganacsatada Soomaalida ee dalkeeda ku sugan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More