Maxay ka wadahadleen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa xalay kulan ku yeeshay xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo ka wadahadlay khilaaf soo kala dhex galay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Xildhibaanno iyo Senataro kasoo jeeda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug aya dadaal xoog leh u glay sidii ay labada Madaxweyne Maamul goboleed ay u kulmi lahaayeen.

Kulankan ayaa labada hoggaamiye waxa ay ugaga wada hadleen sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiisyo hore oo ay ku gaareen magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac oo lagu faahfaahiyay waxyaabaha sida gaarka ah ay ku heshiiyeen labada dhinac, balse ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in is afgarad uu dhexmaray Siciid Deni iyo Axmed Qoor-Qoor.

Kulamada labada dhinac ayaa sii soconaya ilaa inta ay kasoo saarayaan warsaxaafadeed lagu muujinayo waxyaabaha ay ka heshiiyeen labadaan madaxweyne goboleed ee khilaafkooda ay ku baxeen Xildhibaannada iyo senatarada ku metala Federaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More