Maxay ka wadahadleen xalay Frmaajo iyo Saadaq Joon ?

Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmajao iyo Janaraal Saadaq Cumar Xasan ‘Joon’ ayaa xalay ku kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya siddeed bilood kadib markii uu Saadaq joon ka horyimid muddo kororsiga Farmaajo isla markaana uu madaxweyne Farmaajo ka xayuubay janaraalka dhamaan darajooyinka ciidan.

Sida uu Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay kulankan ayaa ka dambeeyay codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Kulanka dhex maray Saadaq Joon, Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay iscafis. Waxaa kulanka dhinacyadan dhexmaray fududeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo laga soo doorto Jubbaland, kana mid ah ragga ugu dhow xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon uu dabo-socdo kulan shalay dhex maray taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulankaas oo ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhexmara Fahad iyo Janaal Saadaq wixii ka dambeeyay markii Saadaq xilka laga qaaday bishii Abriil Sanadkii hore.

Kulanka xalay dhex maray Farmaajo iyo Saadaq Joon ayaa ku soo beegmay xilli loolan dhanka maamulka maaliyada ah uu ka dhex qarxay Farmaajo iyo Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More