Maxkamad ku taal Maraykanka oo ku heshay dambi Soomaali afduubatay weriye Maraykan ah
Mar. 07 (Jowhar.com)-Dacwad oogayaasha Maraykanka ayaa sheegay in labo nin lagu helay in ay gacan siiyeen kooxo burcad badeed Soomaali ah oo madax furasho ahaan u afduubtay wariye u dhashay dalka Mareykanka,kaasi afduub ahaan loo haystay muddo 2 iyo bar ah.
Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan ayaa 24-kii bishii Febaraayo ee sanadkan waxaa maxkamadda federaaliga ah ee New York ku heshay dambiyo ah afduub, shirqool, taageero agab ah oo falal argagixisanimo iyo dambiyo kale oo lagu xukumi karo xabsi daa’in.
Michael Scott Moore oo ahaa wariye u dhashay dalka Jarmalka balse heysta dhalashada Mareykanka ayaa bishii Janaayo ee sanadkii 2012 laga afduubtay magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya oo 400 mayl (643.7km) waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Waxa uu madax-banaani ahaan ugu shaqaynayay Wargeyska Jarmalka ee Spiegel Online isagoo baarayay buug ka hadlaya burcad-badeednimada.
Afduubayaashu waxay dalbadeen lacag dhan 20 milyan oo doolar oo madaxfurasho ah, waxayna hal mar sii daayeen muuqaal muujinaya Moore oo ay ku hareeraysan yihiin afduubayaal wejiyada soo duubtay, kuwaas oo ku fiiqaya qoriga dhashiikaha iyo baasuukaha.
Moore ayaa la sii daayay Sebtembar 2014, waxana uu sheegay in qoyskiisa ay u ururiyeen $1.6 milyan si loo sii daayo.
“Tahliil, oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, ayaa ka tagay shaqadiisa si uu ula wareego burcad-badeedda gacanta ku haysay Moore, wuxuuna helay qoriga dhashiikaha iyo bam-gacmeedyada loo isticmaalo in lagu hanjabo oo lagu hayo Moore,” ayuu xeer-ilaaliyaha Mareykanka Damian Williams ku yiri hadal uu soo saaray.
” Cabdi Yuusuf Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee gobolka Soomaaliya ee lagu haystay Moore, wuxuu ku xad-gudbay mawqifkiisa dawladeed, wuxuuna hormuud ka ahaa dadaallada burcad-badeedda si ay madax-furasho ballaaran uga qaataan hooyada Moore.”ayaa lagu daabacay wakaalada wararka ee AP.
Xasan oo ku dhashay magaalada Muqdisho ayaa heysta dhalashada Mareykanka. Waxaa lagu xiray Minneapolis 2019 waxaana lagu eedeeyay dambiyo federaal ah.
Faahfaahinta xariga Tahlil lama shaacin laakiin waxa lagu xiray magaalada New York sanadkii 2018-kii.
Buug uu Moore soo saaray sanadkii 2018-kii ayuu ku sheegay in Tahliil kula xiriiray Facebook labo bilood ka dib markii la sii daayay, isagoo ka yimid Soomaaliya. Moore wuxuu u aqoonsaday inuu yahay madaxii ilaaladiisa.
Moore iyo Tahliil ayaa bilaabay inay is dhaafsadaan qoraalo waxaana ka mid ahaa; “Waxaan rajeynayaa inaad fiicantahay,” ayuu yiri Tahlil, sida uu buuggu qorayo.
“Burcad-badeeddii afduubka u haysatay ayaa midba midka kale u dilay arrimo la xiriira arrimo lacageed.” Xasan iyo Tahliil ayaa lagu wadaa in xukunkooda lagu dhawaaqo 6-da september.