Maxkamad Xukmisay in la gawraco Diiq kadib markii laga soo dacwooday qeyladiisa

Apr. 07 (Jowhar.com)-Maxkamad ku taal dalka Nigeria ayaa mulkiilaha diiq qeylo badan u qabatay muddo labo cisho ah   inuu ku gowraco ka dib markii ay ka cawdeen ci’diisa ama dhawaaqiisa deriska ninka leh diiqa.

Maxkamad ku taal waqooyiga magaalada Kano ayaa ku dhawaaqday Diiqu inuu dhib ku hayo xaafadda maadaama uu si aan kala joogsi lahayn u ciyey oo ay laba qof oo deris ahi sheegeen inay ka hurdi waayeen qeyladiisa,sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Premium Times.

Mid ka mid ah dadka deriska la ah oo lagu magacaabo Yuusuf Muxamed, ayaa maxkamadda u sheegay in diiqa ci’diisa ay xadgudub ku tahay xaqa uu u leeyahay hurdo.

Isyaku Shu’aibu oo ah milkiilaha ayaa maxkamada ka codsaday in loo oggolaado in uu gawraco maalinta Jimcaha ah. Garsooraha Maxkamadda Xaliimo Wali waa ay aqbashay codsigiisa balse waxa ay uga digtay in   Diigaaga  uu dhex mushaaxo deegaanka oo uu dadka arbushaad ku sameeyo.

Milkiilaha ayaa sidoo kale lagu amray inuu hubiyo inuu gowraco diiqa maalinta jimcaha sida uu balan qaaday ama uu wajihi doono ciqaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More