Maxkamada Ciidamada oo ku xukuntay dil toogasho ah rag ka tirsan Alshabaab

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa xukun ku ridday rag ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Shabakaddan oo ka kooban lix xubnood, ayaa afar kamida lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu ridday xabsiyo u dhexeeya 20 illaa 30 sano.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shabakaddan ay intii u dhaxaysay 2017 illaa 2021 dilal badan ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo, waxanay xukumanayaashu siisay racfaan 30 cisho ah, si ay u qabsadaan qareenno difaaca haddii aysan ku qanacsanayn xukunka lagu riday.

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa hore dil ugu xukuntay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Alshabaab kuwaasoo xukuno dil ah lagu fuliyay halka kuwa kalana ay xukun sugayaal yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More