Maxkamada Ciidamada oo qabatay dacwad lid ku ah Fahad Yaasiin

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa qabatay cabasho lid ku ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, C/llaahi Kulane iyo Yaasiin Farey Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, kaddib dacwad ay ka gudbisay Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil.

Qoraalka loo gudbiyay Maxkamada ayaa waxaa lagu xusay magacyada afar eedeysane oo loo heysto iney wax ka ogyihiin isa markaana shirqool ku dileen Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd saraakiisha Nabadsugida Qaranka taasoo la waayey labo bilood ka hor.
Magacyada lagu xusay Dacwada waxay kala yihiin:-

1-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
2-Yaasiin Farey
3-C/llaahi Aadan Kulane
4-Cabdiqani diirane (Wadna-qabad)
Halkan hose ka aqriso dacwada loo gudbiyay Maxkamada Ciidamada

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More