Maxkamada ciidamada oo xukuntay nin Shabaab ah oo lasoo qabtay isagoo Bom F1 tuurayay

July. 10 (Jowhar.com)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Duqow ayaa kooxdaasi kaga biiray deegaanka Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray Bishii Lacag $70 ah.

Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.

14 May sanadkaan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka dhagar qabaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More