Maxkamada ciidamada oo xukuntay xubno Shabaab iyo Daacish ah

Jun. 06 (Jowhar.com)-Maxkamadda militariga Soomaaliya ayaa xukunno ku riday laba nin oo lagu kala helay inay ka mid ahaayeen ururada al-Shabaab iyo Daacish.

Cabdraxmaan Cumar Xasan ayaa lagu helay inuu ka qaybgalay weeraro ay kooxda al-Shabaab ka gaysatay Buulo Mareer, Beledulamiin, Baraawe iyo Golweyn.

Cabdiraxmaan ayaa la qabtay bishii September 2019-kii isagoo dhaawac ah, waxaana isbitaalka looga gooyey lug kadib markii ay sidaas ku taliyeen dhakhaatiirta daweysay.

Maxkamadda militariga ayaa Cabdiraxmaan ku xukuntay xabsi daa’im.
Sidoo kale maxkamadda ayaa Warsame Cabdi Xasan ku xkuntay 15 sano oo xarig ah kadib markii ay ku heshay inuu argagax geliyey ganacsatada isagoo ka doonayey baad uu u ururinayey kooxda Daacish.

Warsame ayaa bishii October ee sannadkii hore lagu qabtay magaalada Muqdisho

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More