Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukun dil ah ku ridey shan ruux

Maxkamadda Ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa xukun dil ah ku ridday shan xubnood oo lagu helay dambi ah in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shantan xubnood ay ku caddaatay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana dilal kala duwan ka fuliyeen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo sannadihii u dambeeyay.

Hase yeeshee, maxkamadda ayaa sii deysay lix qof oo kale, kuwaas oo la sheegay in lagu waayay wax danbi ah, kadib markii looga shakiyay falal la xiriira Shabaabnimo.

Maxkamada Ciidamada Puntland ayaa dhawaan illaa siddeed ruux ugu xukuntay dil toogasho ah,kuwaasoo dhammaantood lagu eedeeyay inay xubno ka ahaayeen Alshabaab ayna dilal ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More