Maxkamada ciidamadda oo dil iyo xabsi ku xukuntay dhalinyaro Tiktokley ah oo gabar isku dagaalay

July. 31 (Jowhar.com)-Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukuno isugu jira dil iyo xabsi ciidan oo sanado ah ku riday dhalinyaro loo heysto kiis dil ah, iyagoo isku heysta gabar.

Sida maxkamada laga sheegay,maxamed Abuukar Dayax waxaa lagu xukunay Dil toogasha ah, Maxamed Cali Cusmaan ayaa lagu xukumay Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Sharma’arke Xuseen Jimcaale “Cr” isna lagu xukumay xabsi Sanad ah.

Garsoorayaasha maxkamada ayaa fadhiga ka sheegay in Sharma’arke Xuseen Jimcaale “Cr” iyo maxamed Faarax Maxamed ay isku dagaaleen gabar TikTokley ah oo ay wada socdeen CR.

TikToker – Sharma’arke Xuseen Jimcaale “Cr” ayaa Danaana ahaan u soo watay Maxamed Abukar Dayax iyo Maxamed Cali Cusmaan oo ilaalada Shacabka NISA ka tirsan.

Marxuum Saciid Cabdi Cali oo islahaa yaan dagaal dhicin ayaa Dayax Madaxa Bistoolad Qaadsiiyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More