Maxkamada Dambiyada Caalamiga ICC oo soo saartay Amar lagu soo xirayo Madaxweynaha Ruushka

Mar. 17 (Jowhar.com)-Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kaddib markii lagu eedeeyay carruur si sharci darro looga tarxiilo Ukraine lana geeyo Ruushka.

Bayaan ay soo saartay maxkamada ayaa lagu sheegay inay jirto sababo macquul ah oo lagu aamino in Madaxweyne Putin uu qaadayo mas’uuliyadda dambiyada shakhsi ahaaneed ee masaafurintan.

Ruushka ayaan xubin ka ahayn maxkamadda ICC, maxkamadduna ma qabato dacwadaha iyagoo maqan, sidaas darteed mas’uuliyiin kasta oo Ruush ah oo lagu soo oogo waa in lagu wareejiyo Moscow ama lagu xiro meel ka baxsan Ruushka.

Sidoo kale Maxkamada ICC ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Maria Alekseyevna Lvova-Belova, oo ah wakiilka xuquuqda carruurta ee xafiiska madaxweynaha Ruushka.

Ruushka, oo diiday in uu gaystay gabood-fallo tan iyo markii uu gudaha u galay Ukraine bishii February ee sannadkii hore, ayaa diiday tallaabada ICC-da oo ku tilmaantay mid waxba ka jirin. Dacwad oogaha guud ee dalka Ukraine ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda ICC ay ku soo saartay amar lagu soo xirayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More