Maxkamada Gobolka Banaadir oo markale u fariisatay dacwad musuqmaasuq

Aug 27 (Jowhar.com)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageeysiga Dacwad loo heysto Saraakiil ka Tirsan Hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda,oo ku Eedaysan Musuq maasuq.

Xeer ilaalinta iyo qareenada u doodayo eedaysanayaasha ayaa soo bandhiga caddeeymo lid ku ah eedaysanayaasha,halka qareenada dhankooda oo Maxkamadda ka hor hadlay ay shegeen in eedaysanayaasha damiyadaa lagu soo eedayay aysan galin.

Abuukaate Maxamed Xasan oo ah qareenka eedeysane Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in uu muwakilkiisa yahay dambi la’aan.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More