Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun culus ku riday 36 Ajaanib ah

Jun. 06 (Jowhar.com)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 36 eedeysane oo ajaanib ah ku xukuntay in ay bixiyaan midkiiba 11 kun oo doolar iyo 30 kun oo doolar oo magdhaw ah oo ku aaddan kalluunkii ay Soomaaliya ka qaateen ah, doomahii iyo qalabkii kalluumeysi ee saarnaa iyo sidoo kale kalluuunkii lagu qabtay.

Sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Dabaan 36 nin ayaa waxaa lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan midkiiba 297 milyan oo Shilin Soomaali ah, una dhiganta 11 kun oo dollar, taas oo wadartooda ay noqoneyso $396 kun

36 daan eedeysane ayaa la soo qabtay xilli ay si sharci daro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Ajaaniibtan xukunka  ku dhacay ayaan la ogeyn sida ay ugu fududaan doonto bixinta lacagtaasi lagu xukumay in ay bixiyaan, waxa ayna maxkamadda gobolka uga digtay ajaaniibta kale ee badeena sharci darrada uga kaluumeesta in ciqaab adag la kulmi doonaan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More