Maxkamada Hargeysa oo xukun ku riday Bushaaro Baandey

Aug. 15 (Jowhar.com)-Maxkamada magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa hal sano oo xabsi ah ku xukuntay weriye Bushaaro Cali Baandey.

Bushaaro ayaa bishii May ee sanadkaan la xiray iyadoo dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaa walaac ka muujinayay wariyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha.Hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa horey ugu baaqday in degdeg loo sii daayo Bushaaro.

Hase yeeshee,xukunka halka sano ah ee lagu riday Bushaaro ayaa ah xariga la iibsan karo. Bishaaro Hooyadeed oo warbaahinta gudaha la hadashay xukunka kadib ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay go’aanka maxkamaddu ku riday gabadheeda taas oo muujineysa dhabnimada wararka sheegaya in xukunkaas halka sano ah la iibsan karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More