Maxkamadda Ciidamada Puntland oo saaka xukun dil ah fulisay.

Mar 27 (Jowhar.com) – Fagaare ku yaala duleedka magaalada Garoowe waxaa saaka lagu toogtay Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere) oo loo haysto dilka marxuum Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawl) oo ahaa sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF.

Toogashada ninkan ayaa ka danbeysay kadib markii Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Puntland ay 3-dii Bishii Febaraayo ee sanadkaan 2022 ku riday xukunkan maanta la fuliyay, iyadoo marxuumka loo qisaasayayna uu dilkiisa ka dhacay magaalada Garoowe 30-kii Bishii September ee sanadkii 2021.

 

Goobta fulinta xukunka dilka uu ka dhacay saaka waxaa ku sugnaa Saraakiil katirsan Maxkamada Ciidamada Puntland, ehelada Marxuumiinta kala ah Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawl) iyo Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere), iyadoo toogashada fuliyay qoyska Bootaan Cawl.

 

Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Puntland ayaa ku goodiyay in sidan loo ciqaabi doono cid kasta oo dil si bareer ah u geysata, waxeyna si gaara askarta hubeysan fareen iney feejignaan dheeri ah muujiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More