Maxkamadda Ciidamadda oo dil toogasho ku riday askar NISA iyo Milatari ah.

June 06 (Jowhar.com)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta 27aad ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday askar ka tirsan ciidamada Nabad Sugida iyo Milatariga ee ka howlgalo deegano kamid ah gobolka Gedo.

Ragga la xukumay oo afar ah ayaa lagu helay danbiyo la xiriira iney dil iyo dhac ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka gedo, iyadoo xukunadooda uu u kala dhacay sidan;

1-Dable NISA Khubaari Axmed Maxamuud waxaa lagu xukumay Dil Toogasho ah.

2-Salmaan Ibraahim Shire waxaa qudhiisa lagu xukumay toogasho.

3-Dubad Axmed Xuseen Cilmi waxaa lagu Xukumay Saddex sano oo xabsi ciidan ah.

4-Sharma’arke Muxumed Cali waxa ay Maxkamaddu Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay sanad xabsi ah.

Ugu danbeyntii, Guddoomiyaha Maxkamada qeybta 27aad ee Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdulle ayaa sheegay in kadib markii lagu helay ragaan cadeynta dambiyada lagu soo eedeeyay xukunka lagu riday, isla markaana ay heystaan muddo 30 Cisho ah inay racfaan ka qaataan xukunka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More