Maxkamadda ciidamadda oo laba qof ku toogatay magaalada Baydhabo
Mar. 20 (Jowhar.com)-Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa saaka mar kale xukun dil toogasha ah ka fulisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan ayaa lagu toogtay halka loo yaqaano Cara Tuurka Baydhabo, iyagoo hore dilal u geystay
Mas’uuliyiin ka kala tirsan maxkamadda ciidamadda iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa ku sugnaa halka toogashada ay ka dhacday, iyadoo shacab fara badan ay usoo daawasha tageen goobta.
Waa qofkii 4aad ee maxkamadda toogasho ku fuliso wax ka yar 24 saac, shalay oo u danbeysay isla fagaarahan waxaa lagu toogtay laba shaqsi oo midi uu hore u dilay xaaskiisa.