Maxkamadda ciidamadda oo xukun adag ku riday taliye loo heysto dilka maxbuus Shabaab ahaa

Maxkamadda ciidamadda oo xukun adag ku riday taliye loo heysto dilka maxbuus Shabaab ahaa

Mar. 14 (Jowhar.com)-Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuntay sarkaal ka tirsan ciidamadda dowladda oo loo heysto dilka maxbuus Shabaab ahaa.

Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo taliye xigeen ka ahaa hogaanka Sahanka & Wardoonka (Hangashta) ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay bixinta Diyo adag oo ah Magta marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Gaashaanlahan Xukunsan ayaa biya hafin ku dilay Marxuumka 23 February Sanadkan, xilligaas Aadan waxa uu u xirnaa Qarax lagu Dilay taliyihio Ururkii 28-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Dhacdoyinkaas ayaa ka dhacay degmada Dolow ee gobolka Gedo oo ui dhawaan tagay gudoomiye Shuute.

Waxaa jira weerar lagu qaaday xiligaasi gudoomiye Shuute, iyadoo maleeshiyo beeleed ay diidanaayeen xukunka sarkaalka iyo kuwo kale oo loo heystay kiiskan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More