Maxkamadda Ciidamadda oo xukun dil ah ku fulisay laba Shabaab ah

0
146

Aug 25 (Jowhar) Maxkamadda Coidamadda Qalabka sida ayaa maanta xukun dil Toogasha ah ku fuliso laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaasoo hore dilal u geystay.

Anas C/qaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow oo ka tirsanaa Shabaab, gaar ahaan qeybta Qaraxyada iyo Dilalka gaadmada ah, ayaa maanta lagu fuliyey xukunkii dilka ahaa ee horey ay ugu riday Maxkamadda Ciidamada .

Waxay magaaladda Gaalkacyo qeybta Puntland ku dileen Haldooro ahaa labeenta Bulshadda oo ay ka mid yihiin Nabadoono

Si kastab, waa markii afaraad bishaan gudaheeda oo ay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay xukuno dil toogasho ah ku fuliso rag ka tirsanaa Al-shabaab oo horay xukuno toogasho ah ugu riday Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in wali xabsiyada dowladda Fedaraalka ku xiran yihiin rag ku xukuman dil doogasho.