Maxkamadda Racfaanka oo maanta dhegeysaneysa kiiska Sayid Cali

April 21 (Jowhar.com)-Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga dacwad loo heysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 6-dii bishii hore dil ku xukuntay Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay gubashada xaaskiisii oo lagu magacaabo Luul Cabdulcasiis oo u geeriyootey dhawaac ka soo gaarey dabka.

Kiiska Luul Sheekh Cabdulcasiis oo ahayd hooyo uur leh ayay dad badan ka dhursugayeen xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Luul – oo sida la sheegay xaamilo ahayd – ayaa labadii February u geeriyootay dhaawaca gubasho dabayaaqadii January kasoo gaartay gurigii ay degganaayeen ee magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More