Maxkamadda Sare ee Kenya oo aqbashay guushii William Ruto ee doorashada.

Sept. 05 (Jowhar.com)-Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa aqbashay natiijada doorashadii la qabtay bartamaha bishii hore ee uu ku guuleystay William Ruto.

Maxkamadda sare oo maalintii Jimcaha soo geba gebaysa dhegaysiga dacwaddii ka timi ninka 5 jeer u tartamay Kursiga dalkaa ugu sarreeya ee Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqday in William Ruto uu yahay ninka sida saxda ugu adkaaday codadkii la dhiibtay.

Lama oga tallaabada ay qaadayaan Raila Odinga iyo taageereyaashiisu!

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More