Maxkamadda sare ee kenya oo go’aan kama danbeys ah ka soo saareysa doorashada.

Sept. 05 (Jowhar.com)-Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay soo saarto go’aan ku saabsan dacwaddii ka dhanka aheyd natiijada doorashada madaxtinimada.

Waxaa haatan socdaa dhageyssiga go’aanka maxkamadda doorashada Kenya iyadoo ay hadlayaan toddobada garsoore ee maxkamadda xilli ay soo saarayaan go’aanka lagu xallinayo muranka ka dhashay natiijada doorashadii bishii hore ka dhacday dalkaas.

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashadii bishii hore ka dhacday dalkaas wuxuu helay 7.1 malyan cod halka siyaasiga caanka ah Raila Odinga uu helay 6.9 malyan oo cod natiijadaas oo muran badan uu ka dhashay.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga Kenya xilli laga war sugayo go’aanka maxkamadda.

Waxaa la xiray waddooyinka gala maxkamadda halka albabada la isugu dhuftay iskuullo badan, Waxaa sidoo kale ciidamo badan la geeyay deegaannada la isdhihi karo inay rabshado ka dhacaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More