Meydadka Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo laga helay duleedka Caasimada Zambia

Dec. 11 (Jowhar.com)-Booliska Zambia ayaa maanta helay meydadka 27 ruux oo la rumeysan yahay inay ahaayeen tahriibayaal ka yimid Itoobiya, kuwaas oo lagu daadiyay beero ku yaal duleedka caasimadda Zambia ee Lusaka.
Tahriibayaashan ayaa la rumeysan yahay inay u dhinteen gaajo iyo daal, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Hal qof keliya oo ka badbaaday ayaa la helay isagoo nool saacadihii hore ee Axadda, waxaana loola cararay isbitaalka Lusaka si loogu dabiibo, halka dadka dhintayna loo qaaday goobta meydadka lagu keydiyo si loo aqoonsado,waxaana socota baaritaanno lagu sameeynayo si loo ogaado sababta dhabta ah ee dhimashada.

Baaritaano horudhac ah oo booliska ay sameeyeen ayaa muujinayay in dadka dhintey ay dhamaantood ahaayeen rag da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 38 sano jir, waxaana dad aan la garaneyn ay ku daadiyeen waddo hareeraheeda.

Muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ayaa inta badan isticmaala Zambia marka ay u safrayaan wadamo ay ka mid tahay Koonfur Afrika, inkastoo ay wararku sheegayaan in dadka ku dhinta tahriibka ay dhif tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More