Meydka Marxuum Cali Ugaas oo lagu aasay Muqdisho
Oct 02 (Jowhar.com)- Ra’iisul Waaaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqii hore ee Muqdisho oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.
Taariiq kooban ee Xaaji Cali Ugaas Cabdulle
Allaha u naxariistee Xaaji Cali Ugaas Cabdulle wuxuu ku dhashay deegaanka Cadcaddey oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe sannadkii 1938-dii.
Waxbarashada Quraanka Kariimka iyo tan dugisga hoose waxa uu ku qaatay deegaanka uu ku dhashay ee Cadcaddey halka uu waxbarashadiisa sare ku qaatay magaalada Muqdisho.
Shaqadii ugu horeysay ee uu ka bilaabay Xirirkii Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed.
Bilowga sannadkii 1987-1990kii waxa uu noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah duqa magaalada Muqdisho.
Burburkii dowladii hore kadib waxa uu Xaaji Cali Ugaas ka mid ahaa dadkii waxgaradka iyo siyaasiyiinta ahaa ee ka shaqa bilaabay arrimaha nabadda.
Sanadkii 2002-dii Waxay dawladdii ku meel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasin Salaad xasan u magacowday mar kale, Guddoomiyaha goboka Banaadir.
Sanadkii 2006-dii waxaa loo magacaabay qunsulka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga, shaqadan oo uu hayey tan iyo sannadkii 2009-kii.