Meydka muwaadin Soomaaliyeed oo isku dhigay tareen oo laga helay dalka Jarmalka

Jun. 18 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa meydka muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay goob laga raaco Tareenada oo ku taala magaalada Marburg ee dalka Jarmalka.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Maxamed Saxardiid ayaa la sheegay inuu jiiray Tareen, lama ogase inuu tareenka isku dhigay iyo inuu si caadi ah u jiiray shil ahaan.

Shacabka magaalada Marburg ayaa ku wargeliyay booliska meydka muwaadinkan waxeyna wadaan baaritaano la xiriirta waxa sababay geerida ninkan Soomaaliga ah.

Marxuum Saxardiid ayaa kamid ahaa dadka magan galyo doonka ah ee dhawaan galay dalkaasi, waxeyna booliska tageen halka uu ku noolaa, iyagoo su’aalo weydiiyay dadkii ay aqoonta isu lahaayeen.

Si kastaba, Wadanka Jarmalka ayaa Soomaalida ku nool waxaa lagu qiyaasaa iney gaarayaan  ilaa 60 kun oo qof sida ay muuinayaan tirakoobyo qiyaas ah oo laga sameeyey dalkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More