Meydka Shaqaale Turkey oo ku dhintey qarax ka dhacay Muqdisho oo loo duuliyay Turkiga

Apr 05 (Jowhar.com)-Meydka muwaadinin u dhashay dalka Turkiga iyo ku dhaawacmay qarax subaxnimadii Khamiista ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa maanta loo duuliyay dalka Turkiga.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Xasan Macallin Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay hawl-wadeenno sidday dhaawaca iyo meydka dadkaasi Turkiga ah.

Weerarkan ayaa dhacay xilli gaadiid ay la socdeen shaqaale iyo ilaalo amni oo ka tirsan hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Verenel Association ay ku sii socdeen xeryo ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku sugan duyleedka Muqdishu.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Tabbeelaha, waxaana dadka baraacayaasha ah ee ku nool xeryo u dhow degaanka Garasbaalay ay u wadeen fitro loogu talogalay dadka baahan xilliga bisha Ramadaan, sida ay sheegeen booliiska iyo ilo wareed la socda shaqada hay’adda oo codsaday inaan magacooda la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay la hadlaan saxaafadda.

Hay’adda Verenel Association ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X oo horey loo oran jiray Twitter ku sheegtay in sarkaalka la dilay uu ahaa wakiilkoodii Soomaaliya Abdurrahim Yörük.

Hay’adaha samafalka ee dalka Turkiga ayaa si weyn usoo galay Soomaaliya wixii ka dambeeyey bishii Ogosto ee sannadkii 2011-ka markaas oo Muqdishu uu soo booqday Recep Tayyip Erdogan oo xilligaasi Turkiga ka ahaa Ra’iisul Wasaare, iyadoo booqashadaas iyo gargaarkii Turkiga ee daba socday ay g

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More