Mid ka mid ah Doorashada Golaha Shacabka oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo

Mid kamid ah kuraasta golaha shacabka ayaa maanta lagu doortay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Kursigaan oo Sumadiisu tahay Hop193 ayaa waxaa Maanta ku tartamay Cabdulaahi Aadan Axmed (Black) iyo Cabduqaadir Maxamed Cali Baashi, balse waxaa ku guuleystey Cabduqaadir Maxamed Cali (Baashi) oo helay 66 cod halka Cabduqaadir Maxamed Cali Baashi oo la tartamayay uu ka helay codad gaaraya 31 cod, iyadoo ay xumaatay 3 cod.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa tan iyo markii la bilaabay doorashada golaha shacabka waxaa lagu doortay illaa 11 kursi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More