Mid kamid ah ilaalada Duqa Muqdisho oo la dilay iyo askartii dishay oo la xiray

May 28 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil duhurnimadii maanta magaalada Muqdisho loogu geystay mid kamida ilaalada Gudoomiyana gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, marxuumka geeriyooday waxaa lagu magacaabaa Xuseen Abuukar Nuur.

Dilka oo ay geysteen askar ka tirsan ciidanka dowladda waxa uu ka dhacay afaafka hore ee Dekeda Muqdisho ee ku taala degmada Xaamr Jajab, iyadoo marxuumka xiliga la tooganayay uu gacantiisa ku watay gaari nooca raaxada ah.

Wararka la helayo waxey tilmaamayaan in ciidan canshuur uruuriya oo halka dilka u ka dhacay xarun ku leh ay ka shakiyeen askarigan, iyagoo intaasi kadibna rasaas huwiyay, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo, iyadoo meydkiisa laga qaaday goobta.

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Mucaawiye Muudeey ayaa inoo xaqiijiyay in gacanta lagu hayo saddex ruux oo lala xiriiriyay falkan, kuwaasoo kala ah sarkaal laba xidigle ah iyo laba askari, waxaana lagu xiray xarunta C.D.I, halkaasoo baaritaanadooda ay ka socdaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More