Midowga Musharaxiinta Koofurgalbeed oo cambaareeyay weerar ka dhacay  Baydhabo

Dec. 23 (Jowhar.com)- Qoraal ay soo saareen Midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul waxaa loogu cambaareeyay weerar saaka lagu qaaday guri uu Baydhabo ku leeyahay musharax Madaxweyne Maxamed Aadan Fargeeti .

Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay weerarkan inay ka dambeeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga, booliiska, iyo NISA, waxa ayna tacsi u direen dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Baydhabo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Koofurgalbeed uu dagaal dhiig ku daatay kula wareegay xukunka isla markaana ku xadgubdya dastuurka Koofurgalbeed.

Qoraalkan ayaa looga digey in Madaxweynaha koofurgalbeed uu ka qeybgalo kulanka Wadatashiga Qaran ee lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco 25ka bishan December.

Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladu ay degen tahay caawa kadib markii ciidamada maamulka Koofurgalbeed ay la wareegeen guriga uu ku lahaa Baydhaobo wasiirkii hore ee Maaliyada xukuumada Federalka kana mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Koofurgalbeed.

Wasiirka Amniga Koofurgalbeed Maxamed Isaq Cabdi ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Baydhabo ku sheegay in ciidamo rondo ku jira ay soo weerareen waaberigii saaka ciidamo ilaalo ka ahaa guriga uu Baydhabo ku leeyahay siyaasiga Fargeeto ayna ciidamadaa oo isugu jira kuwa boolis,daraawiish iyo Milatari ka jawaabeen.

Iska horimaad hubeysan oo muddo saacado ah manta ka socday magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimashada toban ruux oo lix ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah halka tiro ka badan labaatana ay ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More