Midowga Musharaxiinta oo dalab u gudbiyay Madaxda Dowlada Goboleedyada

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa u gudbiyey tabashooyinka ay ka qabaan doorashada iyo qaabka loo xalin karo khilaafka taagan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Afhayeenka Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in madaxda maamul Goboleedyada ay ka codsadeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo gacantiisa laga soo wareejiyo amniga doorashooyinka, maadaama dhowr jeer oo horey ay dhaceen falal kala duwan oo qaarkood lagu weeraray Musharaxiinta.

Dhinaca kale Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee buuqa iyo fowdada kusoo dhammaaday, kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada ay diideen in la furo kulanka Golaha.

Waxaa uu sheegay in aan la joogin xiligii Madaxda dowladda muddo kordhin loo sameeyn lahaa, isla markaana Xildhibaanada Maanta ay ka war heleen qorshe lagu damacsan yahay in muddo kororsi la sameeyo, taas oo uu ku sheegay inay ay tahay wax aan la aqbali doonin.

Ugu dambeyn Daahir Geelle ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay abaabulka qorshaha lagu damacsanaa muddo kororsiga, ayna kasoo horjeedan in Madaxda muddo xileedka ka dhammaaday waqtiga loo kordhiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More