Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay in Farmaajo iyo La taliyaashiisa loo aqoonsado Qaswadayaal

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadleen qoraalkii kasoo baxay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Farmaajo ee lagu sheegay in la hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo ku tilmaamay in falkaas uu yahay mid dalka u horseedaya xasarad siyaasadeed iyo qalaalase amni.Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay cambaareeyeen qoraalkii kasoo baxay Farmaajo ee lagu sheegay in la hakiyay awoodihii  Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo sheegay in falkaas uu yahay mid dalka u horseedaya xasarad siyaasadeed iyo qalaalase
amni, islamarkaana halis gelinaya qarannimada Soomaaliya, sidoo kalena uu caddayn u yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisa idlaaday uusan weli ka quusan damiciisii ahaa in uu helo muddo-kororsi sharci-darro ah.

War Saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu jebiyay Dastuurka dalka, waxaana ay soo bandhigeen Saddex qodob oo ay ku cadeeynayaan mowqifkooda qoraalkii kasoo baxay Farmaajo iyo kiiska Ikraan Tahliil, kuwaas oo kala ah.

1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa.taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee
dalka.

2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiska Ikraan Tahliil, gabbaadna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho.

3-In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda Raysal- wasaaraha, isla markaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo qorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka.

Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale soo saareen todobo qodob oo ah mowfqifka ay ka taagan yihiin xaalada siyaasadda dalka iyagoo baaq u soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

1- In Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardargeliyo hawlaha doorashooyinka, iyo caddaalad u helidda kiiska lkraan
Tahliil.
2- In Golaha Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah isugu yimaado si loo hawlgeliyo qorshaha doorashooyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed.

3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka.

4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27
Maajo.

5-In shacabka Soomaaliyeed, Dawlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba ku garab istaagaan Raysal-wasaaraha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidi deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda.

6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad iyo dhillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay dalka qalalaase amni ka abuurto.

7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More