Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay in la dadajiyo doorashooyinka

War saxaafadeed Midowga Musharaxiinta ay soo saareen waxay ku booriyeen Golaha Wadatashiga Qaran in la dedejiyo howlaha doorashooyinka, sidoo kale waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen inay gacan ku siiyaan Golaha Wadatashiga Qaran degdeg ku qabsoomida doorasjada, ayna tilmaamaan shaqsiyaadka qaswadayaasha ee hortaagan howlaha doorashada.

Midowga Musharaxiinta waxaa ay War saxaafadedkooda ku sheegeen inay indhaha ku hayaan dhaq dhaqaaq ciidan iyo shirqool ay maleegayaan Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo Taliyihii hore ee NISA, si ay u carqaladeynayaan howlaha Doorashada una abuuraan xasillooni darri iyo qalqal amni, iyagoo sheegay in Farmaajo uu qaadayo wixii mas’uuliyad iyo cawaaqib xumada ka dhalata falkaas guracan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More