Midowga Musharaxiinta oo kulan la yeeshay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka

Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay kulan la yeesheeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka Dowladda Federaalka iyagoo ka wadahadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada dalka.

Kulankaan ayaa looga hadlay dardargelinta Arrimaha Doorashooyinka oo qaarkood billowday iyo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ee dhawaan bilaaban doona.

Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay is dhaafsadeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Midowga Musharixiinta ay Madaxda Dowlad Goboleedyada u gudbiyeen cabashada ay ka qabaan habraacii doorasho ee shalay ay soo saareen Golaha wadatashiga doorashooyinka.

Kulankaan ayaa yimid saacado kadib markii maanta Midowga Musharixiinta ay si cad uga soo horjeesteen habraacii doorasho ee Golaha wadatashiga doorashooyinka kasoo baxay, kaas oo ay sheegeen in uu ahaa mid ay awooda doorashada kula wareegeen dowlad Goboleedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More