Midowga Musharaxiinta oo markale sheegay in doorashadu tahay boob qaawan

Midowga Musharaxiinta ayaa markale ku celiyay mowqifkoodii ku aadanaa doorashada dalka iyagoo ku tilmaamay inay tahay doorashada boob qaawan.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Midowga Musharrixiinta Mowqifkoodii ku aadanaa arrimaha socda aysan jirin wax iska bedelay ayna aaminsan yihiin in waxa socda ay yihiin boob qaawan oo aan doorasho lagu sheegi karin.

“Golaha midowga musharaxiinta mowqifkiisa ku aadanaa arrimaha socda waxba iska bedelin waxa socdana ay yihiin boob qaawan oo doorasho ku sheeg ah.welina aan ku gudo jirno kulamadii aan la yeelanay qeybaha kala duwan bulshada si loogu gudbo hannaan doorasho la aqbalsan yahay,”ayuu yiri Afhayeenka midowga musharaxiinta.

Warkan ka soo baxay midowga musharaxiinta ayaa ku soo beegmay xilli maanta mid kamid ah xildhibaanada ku guuleystey doorashada golaha shacabka ee ka dhacday Baydhabo kana mid ah xisbiyada mucaaradka uu ku tilmaamay doorashada mid cadaalad ah.

Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha ayaa maanta ku yeeshay kulan ay ugaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More