Midowga Musharaxiinta oo soo dhaweeyay go’aanka ay ka gaareen Golaha Wasiirada Ururka ONLF

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray War Saxaafadeed ay ugaga hadleen go’aankii shalay ay gaareen Golaha Wasiirada taasoo ay liiska argagaxisada uga saareen ururka ONLF iyagoo markale Midowga Musharaxiinta ugaga digey saraakiisha ciidamada inay farogeliyaan arrimaha siyaasadda.

Midowga Musharaxiinta ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid aad loogu riyaaqay, isla markaana saxay khaladaad siyaasadeed oo meel ka dhac ku ahaa qarannimada Soomaaliya.

“Waxay ahayd taariikh madow oo mugdi ah in ururka gobanimo-u-dirirka ah ee ONLF lagu asteeyo argagixisanimo, iyadoo ay Dowladda Soomaaliya ku keli noqotay qaadashada go’aankaas gurracan iyo dhiibistii muwaadin Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax) loogu gacan geliyay Dowladda Ethiopia, tallaabooyinkaas oo xadgudub ku ahaa xuquuqda muwaadinka, sumcadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri War Saxaafadeed Midowga Musharaxiinta.

Sidoo kale War Saxaafadeedka ayuu Midowga Musharaxiinta hambalyo ugu direy Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumadiisa iyagoo sheegay in tallaabada ay qaadeen ay ahayd mid geesinimo iyo wadaniyadda xanbaarsan.

Qoraalkan ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaan ka marneyn arrimaha siyaasadda dalka iyadoo lagu soo hadal qaaday arrimo la xiriira ciidamada iyo siyaasadda.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu uga digayaa saraakiisha ciidanka ee garabka ka helaya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda.Tabashada reer Hiiraan waa mid u baahan xal siyaasadeed, mana aha in olole doorasho loo adeegsado.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ay soo saareen Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntii Goluha aya ku booriyay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu u madax-banaanaado maamulka, hagidda iyo dar-dargelinta doorashada.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More