Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay Go’aankii Hirshabeelle, Galmudug Iyo K/Galbeed

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay go’aankii Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ay uga soo horjeesteen muddo kordhinta labada sanno ee loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa go’aan geesinimo leh ku tilmaamay mowqifka saddexda maamul Goboleed ka qaateen muddo kororsiga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey Musharaxiinta uga digeen in Ciidamada Qalabka Sida uu u adeegsado danahiisa siyaasadeed, iyagoona ugu baaqay inay ka waantoobo arrintaas.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More