Midowga Musharaxiinta oo u gudbiyaay Ra’iisul Wasaaraha Liiska cabashada guddiga Farsamada

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta iyagoo ka wadahadlay arrimo la xiriira doorashada dalka,gaar ahaan guddiga farsamada ee muranku uu hareeyay.

Madaxweyneyaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo kulankan metelayay Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaaruhu u gudbiyay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiga doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in si deg deg ah guddiga looga saaro xubnaha ay tuhsan yihiin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddi heer wasiiro ah oo qiimeyn ku sameeya xubnaha guddiga ee cabashada laga keenay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More