Midowga Musharaxiinta;”Ma aqbali doono qaar ka mid ah doorashada la boobay.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin doorashooyinka deegaanada qaar ee lagu bolaabay boob qaawan oo la isu awood sheegtay, laguna tuntay habraacyadii doorashada, taasoo halis gelineysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dowladnimada.

Midowga Musharaxiinta ayaa maalmahan leh shirar dhexdooda, sidoo kale ay kulan la yeelanayaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Beesha Caalamka.
Qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa ku soo beegmaya xilli cabasho badan laga keenay qaar ka mid ah doorashada golaha shacabka ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo Baydhabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More