Midowga Musharixiinta Iyo qaar ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada oo shir u socdo

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ee ayaa shir caawa kula leh, Hotelka Decale Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulankan ayay labada dhinac uga hadleen is mari waaga ka taagan doorashada iyo go’aankii Xukuumadda ee ahaa in doorashada la guda galayo, waxaana War saxaafadeed ay soo saareen Musharaxiinta ku cambaareeyeen go’aanka Xukuumadda ee ahaa qabashada doorasho ay ka maqan yihiin dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Kulankan ayaa yimid kadib markii maanta kulan waqti badan qaatay ay ku yeesheen Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada ee Muqdisho ku sugan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka digey in doorasho aan loo dhamayn laga qabto dalka isagoo ku baaqay in wadahadalo la isugu yimaado.

Shirka ayaa ka socda Hotelka Decale oo u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ku kulansan halkaa Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha maamulada Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More