Midowga Yurub oo ku eedeeyay Madaxweynaha Belarus inuu caawinayo tahriibayaal

Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha Belarus Lukashenko inuu ku soo jiiday muhaajiriinta balan qaad been ah oo ah inay si fudud u galaan wadamada ka tirsan Midowga Yurub.

Ugu yaraan 2,000 oo muhaajiriin ah ayaa hadda ku sugan xadka Belarus uu la wadaago wadanka Poland.

“Markay yimaadaan waxaa lagu riixayaa xuduudda waxaana lagu qasbay inay si sharci darro ah ku galaan Midowga Yurub,” ayuu yiri afhayeenka guddiga Midowga Yurub Peter Stano. Hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa beeniyay inuu abaabulay dhibaatada.

Wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Nato ee Poland, Lithuania iyo Latvia ayaa dhamaantood la arkayay dad aad u badan oo isku dayaya in ay si sharci daro ah dalalkooda ku galaan Belarus bilihii lasoo dhaafay.

Qaar badan ayaa ah rag dhalinyaro ah laakiin waxaa ku jira haween iyo caruur, kuwaas oo badankood ka yimid Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Muhaajiriinta ayaa ka sheekeeyay sida ay mas’uuliyiinta Belarus u qabteen taleefoonadooda oo ay ugu riixeen xayndaabka xadka.

Heerkulka habeenkii ee xadka ayaa hoos uga dhacay eber digrii iyadoo dhowr qofna ay durba dhinteen toddobaadyadii la soo dhaafay.

“Ma jirto cid noo ogolaanaysa inaan meelna ka galno, Belarus ama Poland,” 33-jir Shwan Kurd oo u dhashay Ciraaq ayaa u sheegay BBC-da.

Waxa uu ka sheekeeyay sidii uu Minsk kaga soo galay Baqdaad bilowgii bishii November, oo uu hadda ku sugan yahay meel yar oo xero ka samaysan oo u jirta xayndaabka siliga ah ee Poland.

“Ma jirto waddo lagu baxsan karo,” ayuu yidhi. “Poland nama ogola in aan soo galno, habeen walba diyaarado Helicopter ah ayay xadka ku ilaaliyaan, nama dayaan in aan seexano, aad baan u gaajaysannahay, halkan biyo iyo cunto ma jiraan, waxaa jira caruur yar yar, rag iyo dumar, iyo xaasas.”ayuu sii raaciyay.

Shwan Kurd ayaa sheegay in muhaajiriinta ay ku xayiran yihiin dhanka Belarus ee xadka
Poland ayaa geysay ciidamo dheeraad ah kadib markii dad quus ah ay isku dayeen in ay jaraan xayndaabka xadka Isniintii.

Brussels waxay ku eedaysay hogaamiyaha Belarus inuu kicinayo qulqulka tahriibka si uu uga aargoosto cunaqabataynta Midowga Yurub, oo la soo rogay ka dib markii si weyn loo sumcad-dilay dib-u-doorashadiisa iyo ka-hortagga mudaaharaadyada waaweyn.

Ra’iisel wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa booqday ciidamada ku sugan xuduuda subaxnimadii talaadada

Belarus waxay ku adkeysaneysaa in muhaajiriintu ay si sharci ah halkaas ku imaanayaan oo ay kaliya u dhaqmayso dal marti-gelinaya.

Ruushka ayaa ammaanay sida mas’uuliyadda leh ee ay xulafadiisa u maareeyeen muranka xadka, waxayna sheegeen inay si dhow ula socdaan xaaladda.

Poland ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay dib ugu celisay soogalootiga xadka, taasoo ka soo horjeeda xeerarka caalamiga ah ee magangalyada.

Ciidamada Poland iyo ilaalada xuduudaha oo wata gaashaanbuur ayaa joojiya tahriibayaasha inay u gudbaan dalka

Komishanka Yurub wuxuu hadda raadinayaa inuu kordhiyo cunaqabataynta si loogu daro shirkadaha diyaaradaha ee waddan saddexaad ee ku lug leh duulista muhaajiriinta Belarus.

Waxa ay sheegtay in ay eegayso duullimaadyada Minsk ee ka imaanaya dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Suuriya, Iran iyo Qatar iyo sidoo kale Ruushka iyo dhowr waddan oo Waqooyiga Afrika ah.

Jarmalka ayaa Talaadadii ku booriyay Midowga Yurub inay tallaabo qaadaan si ay Poland uga caawiyaan sugidda xuduudaheeda.

Lithuania ayaa sidoo kale ciidamo geysay xadka ay la wadaagto Belarus si ay ugu diyaar garoobaan qulqulka muhaajiriinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More