July 20 (Jowhar)-Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (Centcom) ayaa sheegay in xubin ka tirsan ciidamadooda uu dhintay kadib weerar ay Iiraan ka fulisay waqooyiga Ciraaq maalintii Sabtida, maalin uun kadib markii weerar lagu qaaday saldhig ku yaalla Urdun ay ku dhinteen laba askari oo Maraykan ah, halka askari kale weli la la’yahay.
Centcom ayaa sheegay in qofkaasi uu ku dhintay intii lagu jiray qarxin lagu sameynayay waxyaabo aan qarxin oo ka mid ahaa gantaal ay soo ridey Iran,Qaraxaasi waxaa kale oo uu dhaawacay askari kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka.
Arrintani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Maraykanka iyo Iiraan ay is dhaafsanayaan weerarro galay maalintoodii siddeedaad oo xiriir ah, kuwaas oo sii kordhinaya xiisadda.
Labada dhinacba waxaa lagu eedeeyay inay maalmihii u dambeeyay weerareen kaabayaal muhiim ah. Dhanka kale, Washington waxay dib u soo rogtay xanibaaddii ay ku haysay dekedaha Iiraan, halka Tehran ay ku dhawaaqday in marin-biyoodka Hormuz uu xiran yahay, isla markaana ay bartilmaameedsatay xulafada Maraykanka ee gobolka, kadib markii xabbad-joojin ku-meel-gaar ah ay burburtay wax ka yar bil kadib markii ay bilaabatay.










