Milatariga Somaliland oo fariin hanjabaad ah usoo diray shacabka Laascaanood.

Jan. 07 (Jowhar.com)-Taliyaha maamulka Somaliland ugu magacaaban gobolka Sool Sareeye Guuto Mahad Cambaashe ayaa fariin hanjabaad ah u soo diray shacabka magaalada Laascaanood ee afartii maalin ee la soo dhaafay gacanta ku hayay magaalada.

Mr.Cambaashe oo shir jaraa’id qabtay ayaa dad weynaha is-hubeeyay ee reer Laascaanood uga digay cawaaqibka ay la kilmi karaan, hadii xukunka magaalada aysan kusoo wareejin maamulka ay taabacsan yihiin ee saldhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Askarta isaga taabacsan ayuu tilmaamay iney heegan buuxa ku jiraan, talaabo culusna ay qaadi doonaan hadii xaaladda sida ay hadda wax laga bedelin.

Taliyaha ciidanka Somaliland ee gobolka Sool ayaa dhinaca kale beeniyay in dagaal looga saaray magaalada, wuxuuna ka bixitaankooda Laascaanood qiil uga dhigay “u turida shacabka”.

Dadkii lagu laayay dibadbaxyadii magaalada ayuu sheegay iney shacabka dhexdooda iska dileen, hadalkiisa ayaa kahor-imanaya warkii kasoo yeeray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ahaa in dadkaasi ay Somaliland dishay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More