Morocco oo u soo baxday kulanka Semifinalka kadib markii ay ka badisay Portuqal

Dec. 10 (Jowhar.com)-Morocco ayaa noqotay xulkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee gaara semi-finalka koobka aduunka waxayna soo afjareen rajadii Cristiano Ronaldo ee Portugal.

Weeraryahan Youssef En-Nesyri ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhaliyay goolkii guusha, ciyaar ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium.

Taageerayaasha dhinaca woqooyiga Afrika ayaa soo buux dhaafiyay goobta inteeda badan waxayna si farxad leh ugu dabaal dageen horumarka ay ka gaareen masraxa caalamiga ah.

Ronaldo ayaa ka soo kacay kursiga kaydka daqiiqadii 50-aad balse waxba waa ku soo kordhin waayay kooxdiisa isagoo daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta awoodi waayay inuu u dhaliyo gool la fishay.
Morocco oo afar dhamaadka wajihi doonta England ama France kooxdii soo badisa.

Marooko ayaa noqotay xulkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee gaara semi-finalka koobka aduunkaWeeraryahanka Morocco Walid Cheddira ayaa kaarka cas loo taagay 8-daqiiqo oo dheeri ah oo lagu daray ciyaarta, laakiin Portugal ayaa u suurto-geli wayday inay helaan goolka barbaraha.

Dabaaldegyo waaweyn ayaa ka dhacay magaaloyinka wadanka Morroco iyadoo kan ugu weyn uu ka dhacay Casablanca, baabuurta ayaa buux dhaafiyay waddooyinka iyadoo dadku ay lulayeen calammo ayna ku dhawaaqayeen heeso farxadeed.

Xulka Morroco ayaa ka badiyay qaar ka mid ah xulalka qaarada Yurub kuwooda ugu waaweyn sida Portugal, Spain iyo Croatia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More